Home Wararka Maanta Wargeysyada Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala IIbsiga Ciyaartooyda Maanta Oo Sabti...

Wargeysyada Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala IIbsiga Ciyaartooyda Maanta Oo Sabti Ah

300
0
SHARE

Suuqa kala iibsiga ayaa xiran, laakiin kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub ayaa soo bandhigaya xiiso ay u qabaan ciyaartooy cusub.

Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ay ka qoreen wargesyada waaweyn ee ka faalooda ciyaaraha maanta oo sabti ah.

Chelsea ayaa dooneysa inay Manchester United iyo Barcelona ku garaacdo saxiixa daafaca 29 jirka ah ee Tottenham Toby Alderweireld. (Mirror)

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa aaminsan in kooxda ay u dagaalami doonto sidii ay kusoo ceshan laheyd xiddiga xulka England Raheem Sterling oo 23 jir ah. (Sun)

Guardiola ayaa sii joogaya Manchester City isagoo sugaya qandaraas cusub, (Manchester Evening News)

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa miisaamaya dalabyada u imaanaya 24 jirka reer France Samuel Sami (Star)

Arsenal ayaa ka cabsi qabta ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jack Wilshere oo 26 jir ah inuu ka tago kooxda. (Guardian)

West Ham ayaa dooneysa inay 4 milyan oo ginni kula soo wareegto goolhayaha Manchester United Sam Johnstone, oo 30 sanno jir ah, (Mirror)

Bournemouth ayaa dalban doonta £ 25m haddii ay fasaxayaan Callum Wilson, Everton iyo West Ham ayaa labaduba xiiseynaya 26 jirkaan. (Sun)

Tababarihii hore ee AC Milan Sinisa Mihajlovic ayaa bartilmaameed u ah laba koox oo ka dhisan Premier League ah. (Sun)

Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa ku qoslay wararka sheegaya in Atletico Madrid ay dooneyso 24 jirka reer Argentina Paulo Dybala (Brand)

Gareth Bale ayaa ku dhow inuu ku laabto Premier League isagoo doonaya inuu Real Madrid ka tago (Sky Sports)