Home Wararka Maanta Wargayska Marca Oo Shaaca Ka Qaaday Sirta Ka Dambaysa Qaab Ciyaareedka Cajiibka...

Wargayska Marca Oo Shaaca Ka Qaaday Sirta Ka Dambaysa Qaab Ciyaareedka Cajiibka Ah Ee Cristiano Ronaldo

630
0
SHARE

Wargayska Marca ayaa shaaca ka qaaday sirta ka dambaysa qaab ciyaareedka cajiib ah ee wakhtigii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga iyo waliba champions League.

Xiddiga reer Portugal ee Cristaino Ronaldo ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Real Madrid wakhtigii ugu dambeeyay.

Wargayska Marca ayaa ku sababeeyay qaab ciyaareedka cajiibka ah ee xiddiga ee wakhtigii dambe in uu Ronaldo la tashada caqligiisa iyo jirkiisa.

Inkasta oo uu xiddigu 33 jir yahay hadana waxa uu sii wadaa qaabkii fiicnaa iyo gool dhalintii cajiibka ahayd waxana sabab u ah in uu dhagaystay caqligiisa oo u sheegay in uuna ahayn wiil da,yar ah.

Wargayska ayaa intaa ku daray in uuna jirka Ronaldo awood u lahayn in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxdiisa kulamada sidaa darteed xiddiga ayaa kulamadii ugu dambeeyay qaatay nasasho taas oo keentay in uu Ronaldo si fiican u ciyaaro si fiicana ku dhamaysto xilli ciyaareedka.

Ronaldo ayaa 17 gool dhaliyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedka halka uu leeyahay 33 gool tartamada oo dhan.