Home Wararka Maanta Waa Sidee xaaladda difaaca Real Madrid ee Varane Kaddib Dhaawacii Xalay

Waa Sidee xaaladda difaaca Real Madrid ee Varane Kaddib Dhaawacii Xalay

367
0
SHARE

Difaaca Real Madrid ee Raphael Varane ayaa soo bandhigay inta uu le’egyahay dhaawac wejiga ka gaadhay intii ay socotay ciyaartii Real Madrid ay 2-1 kaga adkaatay Eibar.

Varane ayaa garoonka ka baxay qaybtii hore markii ay isku dhaceen ciyaaryahan ka mid ah Eibar oo ay kubbad madax ah ku hirdamayeen, waxaana markaas uu si toos ah ugu dhacay dhulka isaga oo gagabsan.

Hadal kooban oo uu la socdo sawir muujinaya dhaawaciisa oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitterka ayaa waxa uu ku sheegay in uu arki kari waayey kubadda iska daa inuu ciyaaroo.

“Inaan wax walba u huro kooxdayda ayaan doonayey, laakiin marka aad kubadda si fiican u arki kari weydo, waa inaad ka baxdo garoonka.” ayaa uu ku qoray bartiisa.

Varane ayaa lagu beddelay Nacho, waxaanay ciyaartaasi ku dhamaatay guul 2-1 ah oo uu goolashana u saxeexay Cristiano Ronaldo.