Home Wararka Maanta Tababare Zinedine Zidane Oo Caddeeyay Mustaqbalkiisa Iyo Halka Uu Ka Shaqeyn Doono...

Tababare Zinedine Zidane Oo Caddeeyay Mustaqbalkiisa Iyo Halka Uu Ka Shaqeyn Doono Xili Ciyaareedka Dambe

360
0
SHARE

Wargeysyada ayaa si weyn kala hadlayay mustaqbalka tababaraha reer France ka dib markii uu si xun ku bilowday xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu cadeeyay inuu weli rajo fiican ka qabo shaqada Santiago Bernabeu xilli ciyaareedka soo socda.

“Haa, waxaan jeclaan lahaa inaan sii ahaado tababaraha Real Madrid, had iyo jeer waxaan jeclahay kubada cagta, waan jeclahay inaan sameeyo wax badan, waan ogahay halka aan joogo,” ayuu yiri Zidane.

“Laakiin waad ogtahay kubada cagta”Haddii ay aniga ila tahay, waxaan joogayaa Real Madrid, qorshahaygu waa inaan sii joogo ilaa intii macquul ah kooxdan.

“Waxaan u sheegay marar badan dadka inaan garanayo noloshan halkaan iyo sida isbedel looga sameeyo, waxaan joogay 18 sanno waxaana aqaanaa sida Real Madrid looga shaqeeyo.

“Waan jeclahay waxa aan qabanayo, runtii waxaan rabaa inaan sii wado howsha adag xili ciyaareedka soo aadan “ayuu yiri tababare Zidane.