Home Wararka Maanta Tababare u dhashay Italy oo diyaar u ah inuu bedelo Arsene Wenger...

Tababare u dhashay Italy oo diyaar u ah inuu bedelo Arsene Wenger haddii ay raacdeyso Arsenal!

326
0
SHARE

Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa wuxuu diyaar u yahay inuu aqbalo qabashada xilka tababarenimo ee kooxda Arsenal.

Massimiliano Allegri ayaa u sheegay asxaabtiisa inuu isha ku hayo qabashada xilka tababarenimo ee kooxda Gunners, haddii dhammaadka xilli ciyaareedkaan la raacdeeyo tababare Arsene Wenger.

Allegri, ayaa kooxdiisa Juventus usoo saaray wareegga 8 dhammaadka koobka UEFA Champions League isagoo tartanka ka reebay kooxda Tottenham. Laakiin wararku waxay sheegayaan inuu Allegri diyaar u yahay inuu ka tago Old Lady.

50 sanno jirkaan ayaa sannad ka hor lala xiriirinayey kooxda Arsenal, laakiin markaas maamulka kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium ayaa qandaraas cusub oo laba sanno ah ku abaalmariyey Wenger maadaama uu u qaaday finalka FA Cup-ka.

Balse Massimiliano Allegri wuxuu haatan baranayaa luqadda Ingiriiska wuxuuna jeclaan lahaa inuu ka shaqeeyo horyaalka England Premier League.