Home Wararka Maanta Sergej Milinkovic-Savic oo lasoo bandhigay qiimaha lagu heli karo, waana mid ku...

Sergej Milinkovic-Savic oo lasoo bandhigay qiimaha lagu heli karo, waana mid ku adkaan kara kooxaha doonaya.

770
0
SHARE

Kooxda kubadda cagta Lazio ayaa lagu soo waramayaa iney suuqa dhigeyso xidigeeda reer Serbia Sergej Milinkovic-Savic kaas oo ay doonayaan kooxo badan oo qaaradda yurub ah, kadib markii uu qaab ciyaareed aan caadi aheyn soo dhigay.

Sergej Milinkovic-Savic wuxuu qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay horyaalka Serie A-da talyaaniga, waxaana lagu soo waramayaa in lagu iibin doono 130 Malyan oo Pound.

Corriere dello Sport ayaa shaaca ka qaaday in Lazio ay dooneyso 23-jirkaan heerka caalami ee reer Serbia iney ku beeciso lacag ka badan 100 Malyan oo Pound.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha Man United & Man City ay si wacan u doonayaan xidigaan, balse ay dhibaato ku noqon karto lacagaha badan oo madaxiisa la duldhigay.