Home La Liga SAWIR: Daafaca Real Ee Varane Oo Soo Bandhigay Dhaawac Halis Oo Kulankii...

SAWIR: Daafaca Real Ee Varane Oo Soo Bandhigay Dhaawac Halis Oo Kulankii Eibar Soo Gaaray

717
0
SHARE

Daafaca Real Madrid, ee Raphael Varane, ayaa wuxuu bartiisa Twitter-ka uu soo kusoo bandhigay inta uu la egyahay dhaawacii kasoo gaaray isku dhac isaga iyo ciyaaryahan Eibar ka tirsan ku dhex-maray garoonka.

Ciyaartaas oo ay Los Blancos, kusoo badisay 2-1, ayaa waxay goolasha uga mahad-naqeysaa ciyaaryahankeeda Cristiano Ronaldo, iyadoona goolka qura uu udhaliyay Eibar, laacibkeeda Ramis.

Sawirka uu Varane, bulshada la wadaagay ayaa waxaa ka muuqday inuu nabar kaga yaalo Isha bidix korkeeda, waxaana uu umuuqdaa dhaawaca mid xoogaa halis ah, islamarkaana uu Nabarku yahay mid weyn.

Kike oo kooxda Eibar udheela, ayay isku dhaceen laacibkaan heerka caalami ee wadanka Faransiiska, waxaan Varane laga saaray garoonka kadib markii uu dhaawacaa wax xoogaa halista ahaa uus oo gaaray.

“Waxaan rabaa inaan siiyo kooxdeyda walba,” ayuu kusoo qoray bartiisa bulshadda, gaara ahaan Boggiisa Twitter-ka.

“Laakiin, marka aadan si fiican u arki karin kubada, waa waqtigii aan garoonka isaga bixi lahayd,” ayuu kusoo xiray.

Sikastaba ha ahaatee, Varane ayaa waxaa lagu bedalay Nacho, kaasoo loo arko inuu yahay ciyaaryahan uu jecel yahay inuu garoonka ku arko mar walba oo uu ka shaqis ahaantiisa uu garoona ku jiro.