Home Wararka Maanta Roma Oo Soo Bandhigtay Laba Arin Oo Qasabtay In Liverpool Qiimo Jaban...

Roma Oo Soo Bandhigtay Laba Arin Oo Qasabtay In Liverpool Qiimo Jaban Ku Hesho Mohamed Salah

1497
0
SHARE

Agaasimaha Isboortiga Roma Monchi ayaa shaaca ka qaaday sababta xiddiga dalka Masar Mohamed Salah ugu iibiyeen qiimo jaban kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa 40 million euros ku iibsatay Salah ka hor inta uusan saameyn suuqa kala iibsiga heshiikii Neymar ugu dhaqaaqay kooxda PSG.

“Si aad u fahamto arrintaan, waa inaad ogaataa laba arrimood” Marka hore heshiiska Salah oo dhacay ka hor inta uusan Neymar saameyn ku yeelan suuqa suuqa kala iibsiga iyo sharciga dhaqaala wanaaga suuqa oo aan ka baqeynay, “ayuu Monchi yiri intii lagu jiray kulan saxaafadeed uu qabtay.

Weeraryahanka reer Brazil Neymar ayaa 222 milyan euro kaga soo wareegay Barcelona, isagoo ku biiray Paris Saint-Germain bishii August ee sannadkii hore.

Xiddiga Faransiiska Ousmane Dembele ayaa sidoo kale uga soo wareegay Borussia Dortmund 145 milyan euro, halka Philippe Coutinho uu Barcelona uga soo biiray Liverpool 160 milyan oo euro bishii Janaayo.

“Waxaan ku qasbaneyn inaan iibino Salah ka hor 30-ka June sabab la xiriirtay Caqabadaha Ganacsiga kooxda iyo sharciga Fair Play,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Monchi.

“Sidaa darteed haddii aan labadan arrimoodba ka fakiri laheyn waxaan Salah ku iibin laheyn qiimo macquul ah” ayuu yiri agaasimaha kooxdaa Roma.

“Hadda waxa uu kujiraa xilli ciyaareed aan caadi aheyn, saameyntiisa wey ka weyn tahay tan Neymar, Coutinho iyo Dembele oo ka qiimo sarreeya” ayuu hadalkiisa raaciyay agaasimaha isboortiga Roma.

Salah oo 25 jir ah ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya Premier League, isagoo 28 gool ku dhaliyay 30 kulan oo uu saftay.

Wadar ahaan 36 gool ayuu dhaliyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeyay kooxda Liverpool.