Home Wararka Maanta Rikooradii laga diiwaan geliyey kulankii ay Kooxda Arsenal saddexda gool ku saxariirisay...

Rikooradii laga diiwaan geliyey kulankii ay Kooxda Arsenal saddexda gool ku saxariirisay Watford ee Premier League + Video

387
0
SHARE

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 3-0 uga badisay naadiga Watford oo marti ugu ahayd garoonka Emirates kulan ka tirsan horyaalka English Premier League.

Gunners ayaa saddexda gool ka kala heshay Shkodran Mustafi, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Henrikh Mkhitaryan, iyadoo uu Watford rigoore ka khasaariyey kulankan Troy Deeney.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikooradii laga diiwaan geliyey kulankan:-

>- Goolkii furitaanka kulan ee uu dhaliyey Shkodran Mustafi ayaa ahaa goolkii 1000-aad ee ay Arsenal ku dhaliso garoonkeeda horyaalka Premier League, taasoo ka dhigan hadda inay 1002 gool oo EPL ah ku dhalisay garoonka Emirates.

>- Arsenal ayaa noqotay kooxda labaad ee kun gool (1000) oo horyaalka Premier League ah ku dhalisa garoonkeeda, kaddib Manchester United oo ku dhalisay kun lixdan iyo lix gool (1066 gool).

Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxaha goolasha ugu badan garoonkooda ku dhaliyey horyaalka Premier League & koox waliba goolasha ay ku dhaisay:-

Man United (1066)

Arsenal (1000)

Chelsea (980)

Liverpool (959)

Tottenham (843)

>- Mesut Özil oo caawiye ka ahaa goolka Mustafi ayaa noqday ciyaaryahanka ugu dhaqsiyaha badan ama sida ugu dhaqsiyaha badan ku gaaray 50 gool caawin horyaalka Premier League, waxaana ay ku qaadatay 141 kulan, isagoo rikoorkaas ka jabiyey xiddigii hore ee Man United Eric Cantona oo 50 gool caawin horyaalka Premier League ay ku qaadatay 143 kulan.

>- Goolhaye Petr Cech ayaa markii ugu horreysay rigoore ka badbaadiyey kooxda Arsenal tartammada oo dhan, kaddib 16 goor oo lagu soo tuuray ama uu wajahay.

>- Petr Cech ayaa badbaadiyey rigoore kulan horyaalka Premier League ah, markii ugu horreysay tan iyo bishii Ferbaayo sanadkii 2011-kii, markaasoo uu rigoore ka badbaadiyey kooxdiisii hore ee Chelsea kulan ay ka horjeeday Fulham.

 

>- Petr Cech ayaa sidoo kale noqday goolhayihii ugu horreeyey ee 200 kulan shabaqiisa gool ka ilaashada horyaalka Premier League, waxaana ay ku qaadatay 431 kulan oo uu u kala saftay Kooxaha Chelsea (162 kulan) iyo Arsenal (38 kulan).

Halkaan hoose ka eeg goolhayeyaasha shabaqooda gool ka ilaashaday inta ugu badan taariikhda horyaalka Premier League & Mid waliba inta kulan oo uu shabaqiisa gool ka difaacday:-

Petr Cech (200)

David James (169)

Mark Schwarzer (151)

David Seaman (140)

Nigel Martyn (137)

Pepe Reina (134)

Edwin van der Sar (133)

>- Henrikh Mkhitaryan ayaa gacan ka geystay shan gool lixdiisii kulan ee ugu horreeyey oo uu horyaalka Premier League u ciyaaray Arsenal (1 gool waa uu dhaliyey halka uu caawiyey 4 kale), waana in hal ka yar 15 kulan oo uu Man United u ciyaaray xilli ciyaareedkan oo uu 1 gool u dhaliyey 5 kalena u caawiyey.

– Tababare Arsene Wenger ayaa loo diiwaan geliyey guushiisii 700-aad ee Arsenal, kaddib 1,222 kulan oo uu hoggaamiyey Gunners.