Home Wararka Maanta Real Madrid Oo Soo Saartay Go’aan Ku Saabsan Mustaqbalka XIddiga Lala Xiriirinayo...

Real Madrid Oo Soo Saartay Go’aan Ku Saabsan Mustaqbalka XIddiga Lala Xiriirinayo Man City Ee Isco

102
0
SHARE

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday in Isco uusan iib aheyn marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Warar xan ah oo soo baxay dhawaan ayaa sheegayay in kooxda Manchester City ay rajeyneyso inay lasoo saxiixato Isco oo ka gadodsan taliska Zidane.

“Waxa aan ka hadlayaa Isco waa inuu mar walba sii joogayo halkaan,” ayuu yiri tababaraha Real Madrid Zidane.

“Dhibaatada ma ahan mid u gaar ah Isco, waxaa jira 25 ciyaaryahan oo ay kooxdu leedahay, kaliya waxaa ciyaari kara 11.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay qaab ciyaareedka Isco, had iyo jeer wuxuu isha ku hayaa inuu sameeyo waxyaabo fiican “ayuu hadalkiisa ku daray Zidane.

“Isco wuxuu joogayaa Madrid, waa ciyaaryahan aan jeclahay dhab ahaan “ayuu ku dooday tababaraha France ee hogaamiya Los Blancos.