Home Wararka Maanta RASMI: Joao Moutinho oo heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa AS Monaco

RASMI: Joao Moutinho oo heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa AS Monaco

894
0
SHARE

Xiddiga khadka dhexe ee Joao Moutinho ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Monaco, isagoo qalinka ugu duugay qandaraas cusub oo ku eg illaa sanadka 2020.

Moutinho oo heshiiskiisa kooxda uu uga harsanaa wax ka yar lix bilood isla markaana qarka u saarnaa inuu ka tago garoonka Stade Louis II oo ay xiiseynayeen kobo badan oo ka dhisan Yurub ayaa haatan xiddiga xulka qaranka Portugal waxa uu go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa AS Monaco.

Kooxda ka dheesha horyaalka Ligue 1 ayaa ku dhawaaqday in 31-sano jirkaan uu heshiiskiisa ballaariyey isla markaana uu kooxda sii joogi doono illaa sanadka 2020-ka.

Moutinho ayaa ku soo biiray kooxda Monaco sanadkii 2013-kii, waxaana tan iyo markaas uu u dhaliyey 11 gool 211 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda FC Porto ayaa sidoo kale joogto ugu ciyaara xulkiisa qaranka Portugal waxaana uu u saftay 107 kulan tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyey u dheelay sanadkii 2005.