Home Spain Mid Kamid Ah Ciyaartooyda Barcelona Oo Kashifay In Neymar Kusoo Laabanayo Camp...

Mid Kamid Ah Ciyaartooyda Barcelona Oo Kashifay In Neymar Kusoo Laabanayo Camp Nou

170
0
SHARE
MIAMI GARDENS, FL - JULY 29: Neymar #11 of Barcelona reacts in the second half against Real Madrid during their International Champions Cup 2017 match at Hard Rock Stadium on July 29, 2017 in Miami Gardens, Florida. (Photo by Mike Ehrmann/Getty Images)

Ivan Rakitic ayaa ka hadlay suurtagalnimada xiddiga Paris Saint-Germain Neymar ugu laabanayo kooxda Barcelona, kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen Malaga.

Xiddiga Barcelona Ivan Rakitic ayaa sheegay inuu si dhaqso ah albaabka naadiga Barcelona ugu furi doono saaxiibkiisa Neymar haddii uu doonayo inuu kusoo laabto Camp Nou.

Neymar ayaa ka tagay kooxda La Liga hogaamineysa ee Barcelona, isagoo ku biiray Paris Saint-Germain oo bixisay lacag dhan € 222million bishii August ee sannadkii hore.

26 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa kasoo kabsanaya hadda dhaawac uu kaga maqan yahay kooxda ka dhisan France, waxaana Neymar hore uu u muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn Paris.

Wargeyska Spain kasoo baxa ee Sports ayaa shaaca ka qaaday in Neymar la xiriiray maamaulka Barcelona isagoo kala hadlay suurtagalnimada dib uu ugu laabanyo Camp Nou.

Laakiin Tababare Ernesto Valverde ayaa diiday jiritaanka sheekooyinkaas, inkastoo Rakitic uu wax walba suurtagal ka dhigayo in ay dhacaan xili ciyaareedka dambe.

“Waxba iima sheegin, laakiin haddii uu kusoo laabanayo halkaan albaabka ayaan u furayaa” ayuu Rakitic u sheegay suxufiyiinta ka dib kulankii kooxdiisa 2-0 kaga badiyeen Malaga.

“Kaliya ma ahan xiriir inaan la leeyahay isaga, laakiin waa nooca ciyaaryahanka ee kooxda oo dhan u baahan tahay.

“Waxaan mar walba kusoo dhaweynayaa halkaan saxiibkeyga Neymar oo aan wax badan wada ciyaarnay” ayuu hadalkiisa ku daray Neymar.

Neymar, oo dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii PSG ay 3-0 kaga badiyeen Marseille bishii hore, waxa uu dhaliyay 28 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, Barcelona ayaa 11 dhibcood oo nadiif ah ka sareysa La Liga kooxda kusoo xigta ee Atletico Madrid kadib 28 kulan oo la ciyaaray.