Home Wararka Maanta Massimiliano Allegri oo diyaar u ah inuu aqbalo shaqada Arsenal.

Massimiliano Allegri oo diyaar u ah inuu aqbalo shaqada Arsenal.

302
0
SHARE

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dhiirogelin u tahay raacdada Massimiliano Allegri, iyadoo tababaraha Juventus uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu bedelo Arsene Wenger xagaaga.

50 jirkaan ayaa lagu xamanayay inuu yahay bartilmaameedka ugu sarreeya ee Gunners dhamaadka xilli ciyaareedka 2016-17, kaliya Wenger ayaa ku sii shaqeynaya maamulka kooxda,ka dib markii FA Cup uu ku guuleystay afar sano.

 

Laakiin sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, Allegri inuu hada diyaar u yahay inuu badalo tababaraha cadaadiska weyn saaranyahay ee Arsenal.

Allegri, ayaa sidoo kale lala xiriirinayay shaqada Antonio Conte ee Chelsea, waxaana uu qirtay inuu jeclaan lahaa inuu hogaamiyo koox ka ciyaarta Premier League islamarkaana uu barto af Ingiriis si uu u caawiyo riyadiisa.

Kooxda Arsenal ayaa galabta wajahaysa kooxda watford kulanka ka tirsan EPL-KA,waxaana winger hada ku foorara indhaha tageerayaasha kooxda,iyagoo doonaya in la badalo.