Home Wararka Maanta Maqaanshaha Emre Can Liverpool kulanka Crystal Palace maxay u dhimi kartaa xaqiiqo...

Maqaanshaha Emre Can Liverpool kulanka Crystal Palace maxay u dhimi kartaa xaqiiqo ahaan

267
0
SHARE

Tababare Jurgen Klopp ayaa si rasmi ah Emre Can uga reebay kulanka goor dhow bilaaban doono Crystal Palace Vs Liverpool.

Can wuxuu kasoo kaban waayay dhaawac dhan dhabarka ah ee soo gaaray xili uu xulka Jarmalka tababar la qaadanayay waxaana looga soo tagay Anfield oo kulanka maanta ma cayaari doono.

Maqnaanshaha Can Maxay Liverpool U Dhimi Kartaa?

Liverpool lagama badinin tan iyo Aug 2016 kulan Emre Can Line Up-ka kowaad ku jirin taasi oo ka dhigan Can maqnaan shihiisa in kooxda halis weyn ku ahayn.

Liverpool 18-kulan xariir ah oo Can shaxda kowaad ku jirin cayaartay lagama badinin waxaana ugu dambeesay Aug 2016 kulan Burnley si la yaab leh Reds kaga badisay.

Emre Can Liverpool waxay kusoo bilaawday 50-kulan wadarta guud tan iyo xili cayaareedkii hore waxaana kooxda Klopp laga badiyay 9-kulan oo Can Line Up-ka kowaad ku jiro kulamada EPL mudadaas 50-kulan ah.

Dhinaca kale Liverpool 19-kulan oo ay cayaartay Can ka maqan yahay shaxda kowaad waxay guul dareesatay 1-kulan oo qura taasi oo ka dhigan Can maqnaan shihiisa kooxda Reds halis weyn ku ahayn.