Home Wararka Maanta Man City Oo Musharka Sterling Laba Jibaareysa & Sababta Ka Dambeysa Oo...

Man City Oo Musharka Sterling Laba Jibaareysa & Sababta Ka Dambeysa Oo La Ogaaday

961
0
SHARE

Manchester City ayaa diyaar u ah inay gacanta u galiso heshiis cusub oo lagu laba jibaarayo mushaarkiisa xiddiga Raheem Sterling.

Wargeysyada kasoo baxa England ayaa sheegaya in Sterling oo qaab ciyaareed cajiib ah ku heysta kooxdiisa iyo wadankiisa uu bartilmaameed u yahay kooxo ay kujirto Real Madrid.

Ka dib markii uu silama filaan ah kaga mid noqday liiska ciyaartooyda ugu fiican xili ciyaareedkaan Premier League, xiddiga garabka ka ciyaara ayaa helay dalabyo badan

City ayaa diyaar u ah inay Sterling u laba jibaarto mushaarkiisa haatan oo ah £ 180,000-si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Kevin De Bruyne iyo magacyo kale ayaa kooxda hogaamineysa Premier League heshiisyo cusub u saxiixay xili ciyaareedkaan.

Sterling ayaa doonaya inuu diirada saaro wajibaadka xulkiisa England ee ka qeyb galaya koobka adduunka, laakiin sidoo kale gudiga kooxda City ayaa isha ku haya inay ka saxiixaan heshiis waqti dheer ah.

Sterling ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu dhaliyey 20 gool tartamada oo dhan.