Home Wararka Maanta Macalin Conte oo digniintii ugu dambeesay cayaartooyda Chelsea siiyay ka hor kulanka...

Macalin Conte oo digniintii ugu dambeesay cayaartooyda Chelsea siiyay ka hor kulanka Tottenham

808
0
SHARE

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa digniintii ugu dambeesay siiyay cayaartooydiisa ka hor kulanka London Derby oo ay Tottenham wajahayaan axada.

Conte ayaa u sheegay xidigahiisa inay waajib ku tahay Spurs ka badiyaan hadii ay jiri doonto rajo ay ka mid noqon karaan afarta naadi ee xili cayaareedkan ugu sareyso.

Conte wuxuu yiri “Waxaa waajib nagu ah kulanka Stamford ee axada inaan guuleesano haddii kale suura gal ma noqon karto inaan afarta sare u dagaalan”

“Hadafkeena wuxuu yahay inaan afarta sare ka mid noqon wax aan suura gal aheyn ma jirto waxaa qasab nagu ah inaan kulan walbo guuleesano markaas hadafkeena waan gaari karnaa”

Conte ayaa sheegay in goolhaye Thibaut Courtois iyo Andreas Christensen oo labaduba dhaawac qabaan rajo wanaagsan uu ka qabo kulanka axada inay ka qayb qaataan.

Chelsea waxay ku jirtaa kaalinta 5-aad kala sareynta EPL waxayna 5-dhibcood ka hooseysaa kooxda Tottenham oo booska 4-aad hadda fadhiso.