Home Suuqa Kala Iibsiga Luka Modric oo dib ugu soo laabanaya Premier League iyo Ronaldo oo...

Luka Modric oo dib ugu soo laabanaya Premier League iyo Ronaldo oo diidan inuu baxo (Ma rumaysan doontid kooxda uu ku biirayo)

487
0
SHARE

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka ingiriiska dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Shabakada Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Luka Modric uu miiska u saaranyahay dalab uga yimid kooxda Arsenal oo diyaar u ah inay la wareegto 32 jirka reer Croatia.

Luka Modric ayaa kamid ah ciyaartoyda qadka dhexe kuwa ugu fiican yurub tan iyo markii uu ku biiray Real Madrid 2012.

Image result for Modric Arsenal

Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhabar jabiso Tottenham isla markaana ay dib Premier League ugu soo celiso laacibka reer Croatia oo sifiican u garanaya nolosha magaalada London.

Balse Ronaldo ayaa is hortaagaya in laacibku uu ka tago Madrid, wuxuuna u arkaa iibinta Modric mid aan suurogal ahayn, isaga oo ku booriyay maamulka Real in aan la iibin xiddiga reer Croatia.

Waraysi uu waqti sii horaysay bixiyay Luka Modric ayuu ku yiri:

“U saxiixida Real Madid waxay ii ahayd riyo ii rumowday waayo waa koox aad u wayn, sharaf ayeeyna ii tahay inaan xirto funaanadeeda”.

“Ciyaartoy badan uma suurogalin inay halkaan uga fariistaan kubadda cagta, laakiin waan arkaynaa wixii igu dhaca aniga”.

“Waxaan jeclahay inaan halkaan uga fariisto ciyaaraha, laakiin marka la joogo kubadda cagta wax walba si dhaqso ah ayeey isku badalayaan”.