Home Wararka Maanta Lionel Messi oo qolka labiska ku dhiirigaliyay ciyaartoyda qaranka Argentina kadib xasuuqii...

Lionel Messi oo qolka labiska ku dhiirigaliyay ciyaartoyda qaranka Argentina kadib xasuuqii Spain.

898
0
SHARE

Weeraryahanka qaranka Argentina Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu dhiirigalin fiican siiyay ciyaartoyda uu hogaamiyaha u yahay kadib markii ay guuldaro xasuuq ah kala kulmeen qaranka La Roja kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay magaalada Madrid.

Spain ayaa 6-1 ku xasuuqday Argentina kulan xiisahiisa leh oo uu atoore ka ahaa Isco, balse uu tarabuunka ka daawanayay Lionel Messi, kaamirooyinka garoonka ayaa qabtay xidiga reer Agentina oo garoonka ka dagaya markii uu Isco dhaliyay goolkiisa sadexaad ee ciyaarta.

Diario Ole ayaa qirtay in Messi uu ciyaartoyda u sheegay iney muhiim tahay si midow ah iney uga baxaan arintaan isla markaana ay wax walba oo kale iska iloobaan.

Ilo xog-ogaal ah ayaana sheegay in ciyaartoyda ay si fiican ugu riyaaqeen hadalka Lionel Messi kaas oo guubaabin ahaa.