Home Wararka Maanta Lingard Scott, McTominay iyo Rashford sheeko dhex martay oo ka shifay guushii...

Lingard Scott, McTominay iyo Rashford sheeko dhex martay oo ka shifay guushii liverpool

807
0
SHARE

Xiddiga kooxda manchester united ee  Jesse Lingard ayaa kashifay sheeko dhex martay isaga Rashford iyo Scott, McTominay dhamaadka kulankii shalay kooxdiisa Man United ay 2-1 uga adkaatay kooxda Liverpool.

Lingard ayaa sheegay in Rashford uu isaga waydiiyay waxa ay samaynayaan caawa oo u muuqday dabaal dag maadaama ay ka adkaadeen Liverpool.

Balse Lingard ayaa u sheegay Rashford inuu garanayo waxa uu ku fikirayo inuu sameeyo caawa, laakiin Scott McTominay ayaa soo dhex galay sheekadooda, wuxuuna xusuusiyay in talaadada ay la cayaarayaan Sevilla koobka horyaalada  qaarada yurub. ee champions league

 Jesse Lingard ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka sheekadii dhex martay isaga Rashford iyo Scott McTominay, waxayna u dhacday sidaan:

Rashford: Waa maxay qorshaha Caawa?.

Lingard: Waad garanaysaa waxa aan ku fikirayo.

Scott McTominay: Isdajiya akhyaarta, kulan ayaan leenahay talaadada.