Home Wararka Maanta La Yaab: Harry Kane oo ay macquul tahay inuu axada Chelsea ka...

La Yaab: Harry Kane oo ay macquul tahay inuu axada Chelsea ka hortago!

727
0
SHARE

Si la yaab leh warbaahinta Ingiriiska waxay u hadal heysaa in Super Harry Kane uu cayaari karo kulanka London Derby ee Axada kooxdiisa Tottenham Stamford Bridge kula cayaareyso naadiga Chelsea.

Harry Kane dhaawac dhanka jilibka ah ayaa soo gaaray 11-kii bishan Maarso laakiin macalin Mauricio Pochettino ayaa sheegay in kulanka London Derby uu xidigaan ku lug yeelan karo.

Tababare Mauricio Pochettino wuuxu yiri “Xaalad wanaagsan ayuu Kane ku sugan yahay, maalin walbo wuu soo kabanayaa asigoo tababar wacan sameenayo, wax walbo kama hordhici doono”

“Qiimeyn gaar ah ayaan ku sameyn doonaa Kane haddii kulanka Axada uu cayaari karo balse aniga ahaan waxaan qabaa 100% todobaadka dambe inuu kooxda si joogto ah u caawin karo”

Tottenham hadii Axada ay Chelsea ka badiyaan waxay ka dhignaan doontaa inay 8-dhibcood dhigooda ka sare mari doonaan sidoo kalena ay sii adkeesan doonaan booska 4-aad Champion-ka lagu aadayo xili cayaareedka dambe.