Home Wararka Maanta LA OGAADAY: Qiimaha Ciyaartoyda Man United Ku Kordhay Ama Hoos Uga Dhacay...

LA OGAADAY: Qiimaha Ciyaartoyda Man United Ku Kordhay Ama Hoos Uga Dhacay Tan Iyo Markii Ay Old Trafford Ku Soo Biireen Oo La Shaaciyay.

725
0
SHARE

Jose Mourinho ayaa lacag ku dhaw 300 milyan gini laakiin waxaa muddadii uu joogay jiray isbadalo ku yimid xidigaha kooxdiisa Man United iyada oo qaar ka mid ah uu qiimahoodu hoos u dhacay halka kuwo kale uu sare kacay.

Xog lagu soo bandhigay qiimihii ay ciyaartoyda Manchester United ku yimaadeen Old Trafford iyo kan ay hadda ku qiimaysan yihiin ayaa muujinaya kala duwanaansho iyada oo qaar ka mid ah xidigaha Man United uu saddex jibaar in ka badan uu qiimahoodu hoos u dhacay muddadii ay Old Trafford joogeen waxanaa jira qaar uu saamayn xun ku yeeshay Jose Mourinho.

Luka Shaw ayaa ka mid ah xidigaha si waali ah ay qiimahoodu hoos ugu dhaceen iyada oo difaaca ree England ay Man United kula soo wareegtay 27 milyan gini laakiin qiimaynta hadda ee suuqa kala iibsiga waxa uu hoos ugu dhacay 10.3 milyan gini oo kaliya kadib markii uu xaalad adag ku maray Old Trafford isla markaana uu wali ku jiro horumar la’aan joogto ah.

Sidoo kale Daley Blind ayay Man United kula soo wareegtay 13.8 milyan gini laakiin qiimaynta hadda ee suuqa kala iibsiga waxa uu ku qiimaysan yahay 11.7 milyan gini laakiin xidigaha Paul Pogba, Romelu Lukaku, Alexis Sanchez iyo xidigo kale oo la mid ah ayuu qiimahoodu si wayn sare ugu kacay.

Haddaba halkan kaga bogo ciyaartoyda Man United qiimihii lacageed ee ay Old Trafford ugu soo biireen iyo qiimaha ay hadda suuqa kala iibsiga ka joogaan oo faah faahsan:

David De Gea

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £18.9million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £41.1million

Sergio Romero

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: Bilaasha ama si xor ah

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £4.7million

 Joel Pereira

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: Bilaasha ama si xor ah

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £5.1million

Victor Lindelof

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £31million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £44.2million

Eric Bailly

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £30million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £42.9million

Phil Jones

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £16.5million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £17.6million

Marcos Rojo

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £16million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £18.8million

Chris Smalling

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £10million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £20.3million

Daley Blind

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £13.8million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £11.7million

Luke Shaw

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £27million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £10.3million

Antonio Valencia

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £16million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £8.7million

Matteo Darmian

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £12.7million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £7.8million

Cameron Borthwick-Jackson

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: Ka soo baxay xarunta da’yarta United

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £2.3million

Paul Pogba

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £89million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £127.2million

Juan Mata

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £37.1million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £14.9million

Jesse Lingard

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: Ka soo baxay xarunta da’yarta United

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £48.9million

Michael Carrick

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £18.6million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £870,000 kun gini kaliya

Ashley Young

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £17million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £7.8million

Ander Herrera

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £17million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £7.8million

Marouane Fellaini

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £27.5million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga:: £4.9million

Nemanja Matic

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £40million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £55.9million

Scott McTominay

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: Ka soo baxay xarunta da’yarta United

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £12million

Alexis Sanchez

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: isku badalashadii Mkhitaryan

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £85.1million

Romelu Lukaku

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £75million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £142.2million

Anthony Martial

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: £36million

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £72.8million

Marcus Rashford

Qiimihii uu Man United Ugu Soo biiray: Ka soo baxay xarunta da’yarta United

Qiimihiisa hadda ee suuqa kala iibsiga: £96.5million