Home Wararka Maanta Kooxda Chelsea Oo Dhigeeda Man United Kula Biirtay Tartanka Loogu Jiro Xiddig...

Kooxda Chelsea Oo Dhigeeda Man United Kula Biirtay Tartanka Loogu Jiro Xiddig U Ciyaara Barcelona

336
0
SHARE

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dhigeeda Man United kula biirtay baacsiga xiddig ka ciyaara kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay tartan kala kulmi doonto Chelsea kaas oo ku aadan daafaca kooxda Barcelona Samuel Umtiti.

Daafaca reer France ayaa ah mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu weyn ee tababaraha Man United ee Jose Mourinho marka la gaaro xagaaga.

Laakiin United ayaan si fudud ku heli doonin saxiixa xiddiga hadii uu go,aansado in uu u soo dhaqaaqo horyaalka premier league xagaaga.

24 jirka reer France ayaa ku soo biiray kooxda Barcelona 2016 waxana heshiiskiisa lagu bur-burin karaa kaliya lacag dhan 54 milyan oo euro.

Marka loo eego in ay Liverpool 75 milyan kula soo wareegtay daafaca Virgil van Dijk qiimaha Umtiti ayaa ah mid aad u jaban.

Arintaas ayaana heegan galisay kooxda chelsea kuwaas oo diyaar u ah in ay United kula dagaalamaan saxiixa xiddiga sida ay sheegayaan wararka ka imanay Spain.