Home Wararka Maanta WARBIXIN: Xog ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee ay kooxda Barcelona la...

WARBIXIN: Xog ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee ay kooxda Barcelona la soo wareegtay Arthur

388
0
SHARE

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil Arthur kaasoo ay xagaagaan kala soo wareegi doonto kooxda Gremio ee dalkiisa ka dhisan.

Barcelona ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan soo iibsan doonta 21 sanno jirkaan oo kooxda ka dhisan Porto Alegre ka caawiyey inay soo gaarto finalkii Copa Libertadores.

Sida la xaqiijiyay labada kooxood waxay ku heshiiyeen 30 Milyan oo Euro iyo sidoo kale 9 Milyan oo dheeraad ah, balse aan la shaacin waxyaabaha dheeraadka ah ee lagu heli karo qiimahaas.

Haddaba waa kuma Arthur?

Magaciisa oo buuxa waa Arthur Henrique Ramos de Oliveira Melo oo loo garan ogyahay Arthur, waxa uu ku dhashay Goiânia, Goiás ee dalka Brazil, 12-ka bishii agoosto sanadkii 1996-kii, waana 21-sano jir.

Waa ciyaariyahan leh xirfad dabiici ah sidoo kalena mar walba lagu ammaano sida uu kubadda u qaabeeyo.

Arthur waxa uu kooxdiisa la hantay Brazil Cup iyo sidoo kale Copa Libertadores.

Dhinaca kale xulka qaranka Brazil ee 17-jirada ayuu dhowr jeer ka soo muuqday, waxaana uu doonayaa inuu hadda badiyo xiddigaha reer Brazil ee ka ciyaara kooxda Barcelona.

Arthur ayaa noqonaya xiddigii saddexaad ee reer Brazil ah oo ka mid ah kooxda koowaad ee Macallin Ernesto Valverde, kaddib Philippe Coutinho iyo Paulinho oo haatan ku sugan garoonka Camp Nou.

Sponsored by Revcontent