Home Wararka Maanta Jose Mourinho oo ka shifay wixii ay xiddigaha Man United ku yiraahdeen...

Jose Mourinho oo ka shifay wixii ay xiddigaha Man United ku yiraahdeen Eric Bailly markii dib loogu laabtay qolka labiska kaddib guushii Liverpool

750
0
SHARE

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka shifay wixii ay ay xiddigaha kooxdu ku yiraahdeen Eric Bailly, markii dib loogu laabtay kaddib guushii ay shalay garoonka Old Trafford kaga gaareen Liverpool.

Manchester United ayaa 2-1 uga badisay Reds, runtii waxay u ahayd natiijo u wanaagsan maadaama ay ku hoggaamisay inay sii adkeysato booska kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.

Kulankaas waxaa labo gool ka gaarsiiyey qeybta hore Reds, Marcus Rashford, inkastoo qeybtii labaad ee ciyaarta uu Sadio Mane uu ku qasbay Eric Bailly inuu kooxdiisa Man United gool ka dhaliyo.

Inkastoo Eric Bailly uu u muuqday inuu dhaawacmay kaddib goolkaas uu ka xareeyey kooxdiisa, haddana waxa uu ku qasbanaaday inuu dhammaysto 90-ka daqiiqo ee ciyaarta si uu ugu yaraan kooxdiisa guul ugu hoggaamiyo oo uu uga difaaco weerarka halista ah ee Liverpool.

Haddaba tababaraha Man United ee Jose Mourinho ayaa bannaanka soo dhigay hadalladdii ay ciyaartoyda kooxdu ku yiraahdeen laacibka reer Ivory Coast, iyadoo uu jiray kaftan iyo ammaan ballaan oo uu halay kaddib ciyaarta maadaama uu dadaal badan bixiyey tan iyo markii uu gool ka xareeyey kooxdiisa.

Mourinho ayaa MUTV u sheegay: “Qof walba oo jooga qolka labiska wuxuu ku kaftamayay goolka cajiibka ah oo uu iska dhaliyay, laakiin bandhig cajiib ah iyo ruuxiyad ayuu muujiyay marka ciyaartoyda kale ay sahladaan habkii la rabay inay u shaqeeyaan.”

“Eric Bailly wuxuu ku noqday mid wanaagsan ciyaartoyda ka soo horjeedday, kaddib markii uu goolka iska dhaliyay wuxuu soo bandhigay maskaxda aan doonaynay, waxayna taasi tusaale cajiib ah u tahay qof walba.”