Home Wararka Maanta Ivan Rakitic Oo Shaaciyay Sababta Uu U Jeclaan Lahaa Inuu Neymar Kusoo...

Ivan Rakitic Oo Shaaciyay Sababta Uu U Jeclaan Lahaa Inuu Neymar Kusoo Laabto Barcelona

404
0
SHARE

Xili si weyn loo hadalhayo inuu Barcelona, kusoo laaban doono ciyaaryahan Neymar Jr, ayaa waxaa sheekadaas biyo kusoo shubay laacibka khadka dhexe ka dheela ee Ivan Rakitic, kaasoo Bluagrana udheela.

Neymar, ayaa wuxuu Barca, uga biiray fasal ciyaareedkii hore dhigeeda PSG, markaasoo lagu iibsaday aduun lacageed dhan 222 Milyan oo Yuuroo, waxaana uu hada yahay laacibka dunida ugu qaalisan.

Laakiin, ma uusan kusoo bandhigin PSG, wax badan oo laga faliyay, isagoona kooxdiisa ay Real Madrid, kasoo reebtay tartanka Champions League, xili uu dhankiisa garoomada ka maqnaan doono inta xagaagan ka dhiman.

“Waxba ma uusan ii sheegin, laakiin hadii inaga ahaan ley weydiiyo waan ufuri lahaa abaalabada hadda,” ayuu Rakitic usheegay warbaahinta kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay 2-0 uga soo badiyeen Malaga.

“Kaliya ma ahan xiriirka fiican ee aan la leeyahay isaga [Neymar], laakiin waa nooca ciyaaryahan ee uu yahay isaga,” ayuu hadalkiisa ku daray Laacibkaan wadanka Croatia udhashay.

“Waxaan mar walba kusoo deri lahaa Neymar kooxdeyda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, ciyaaryahankii hore ee kooxda kubada cagta Seville, islamarkaana hada Lamberka 4aad uxiran Barcelona.