Home Wararka Maanta Iska Ilow David de Gea, Courtois, ter Stegen, Neuer Iyo Ederson- Waa...

Iska Ilow David de Gea, Courtois, ter Stegen, Neuer Iyo Ederson- Waa Kuma Goolhayaha Ugu Fiican Dunida?

1206
0
SHARE

Goolhayihii hore ee Roma iyo Italy Conti ayaa amaanay xiddiga goolka u qbata kooxda Roma ee Alisson.

Inkastoo loo tixgaliyo goolhayayaasha ugu fiican dunida David de Gea, Thibaut Courtois, Marc-Andre ter Stegen, Manuel Neuer iyo Ederson, goolhayaha Roma Alisson ayaa ah kan ugu fiican adduunka, sida laga soo xigtay Paolo Conti.

Alisson ayaa xilli ciyaareedkaan ku biiray kooxda ka dhisan Serie A, laakiin durba wuxuu soo jiitay kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa dalabyo rasmi ah ka gudbiyay goolhayaha caalamiga ah ee dalka Brazil iyo kooxda Roma.

25 jirkaan heerka caalami ee dalka Brazil ayaa 37 kulan u saftay Roma tartamada oo dhan, isagoo ka caawiyay inay kooxda Talyaaniga soo gaarto marxalada sideed dhamaadka tartanka Champions League.

Goolhayihii hore ee Rome iyo Talyaani Conti ayaa ammaanay Alisson isago yiri ” hubaal waa goolhayaha ugu fiican adduunka.