Home Suuqa Kala Iibsiga HORDHAC: Arsenal vs Watford- Wiilasha Wenger Oo U Baahan Soo Kabasho Weyn

HORDHAC: Arsenal vs Watford- Wiilasha Wenger Oo U Baahan Soo Kabasho Weyn

104
0
SHARE

Arsenal ayaa soo gabagabeysay afar guuldaro oo isku xigta markii ay kaga badiyeen khamiistii kooxda AC Milan garoonka San Siro.

Gunners ayaa dib ugu soo laabaneysa Premier League axada maanta ah, iyadoo soo dhaweyneysa kooxda Watford oo garaacday xilli ciyaareedkan.

Kooxda Arsene Wenger ayaa 13 dhibcood ka dambeysa booska afaraad, iyadoo kaliya sagaal kulan uu ka harsan yahay horyaalka Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates Stadium

SAACADA: 4:30 PM

MAXAA CUSUB?

Wenger waxa uu leeyahay welwel dhab ah oo ku saabsan taam ahaanshaha daafaca Nacho Monreal, Sead Kolasinac, Hector Beller iyo Calum Chambers kuwaasoo oo dhamaan dhaawac ah.

Dhibaatooyinka haatan kooxda heysta ayaa qasbaya in Ainsley Maitland-Niles iyo Rob Holding fursad u helaan safka koowaad ee Gunners.

Dhanka kale, Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku dhow inuu ku laabto safka Arsenal kadib markii uu seegay safarkii khamiistii kooxdiisa ku tagtay Italy.

Jose Holebas iyo Kiko Femenia ayaa wajihi doona tijaabooyin xilli dambe ah, iyadoo Miguel Britos laga yaabo inuu boos ka helo ciyaartaan.

Tababare Gracia waxaa kaloo maqan Gerard Deulofeu iyo Tom Cleverley oo weli dhaawac mudo dheer ah qaba.

XAQIIQADA KULANKA

Watford ayaa 2-1 kaga badisay Arsenal Vicarage Road kulankoodii ugu dambeeyay ee dhacay October 2017.

The Hornets ayaa sidoo kale laba jeer guul gaartay seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen Emirates, iyagoo guuleystay 2016 iyo 2017.

lixdii kulan ee ugu danbeysay labada kooxood, koox kasta waxay badisay seddex kulan, inkastoo Arsenal guusheedii ugu dambeysay ka gaarto Watford April 2016kii.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Arsenal: Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Maitland-Niles; Wilshere, Xhaka, Ramsey; Mkhitaryan, Aubameyang, Ozil

 Watford:Karnezis; Janmaat, Prodl, Mariappa, Britos; Capoue, Doucoure; Carrillo, Pereyra, Richarlison; Deeney.