Home Wararka Maanta Garoonka Kubadda Cagta Adduunka ugu weyn oo la dhisayo, Kumase Ciyaari doontid...

Garoonka Kubadda Cagta Adduunka ugu weyn oo la dhisayo, Kumase Ciyaari doontid Daawashana uma Tegeysid “Sababta Ogow”!!

1682
0
SHARE

Garoonka ugu weyn Kubadda Cagta ataa lagu wadaa dhawaan in laga dhiso Dalka Ciraaq iyada oo yaboohaas uu sameeyay Boqorka Sucuudiga ee Boqor Salmaan.

Arrintan waxaa ay ka dhalatay kaddib markii Xulalka Ciraaq iyo Sucuudiga ay Ciyaar saaxiibtinimo ku dheeleen Magaalaad Basra ee Koofurta Dalka Ciraaq halkaas oo ay Ciraaq ku adkaatay 4-1.

Dowladda Sucuudiga ayaa Ciraaq u ballan qaadday in ay u dhiseyso garoon qaadaya 100,000 oo taageerayaal ah islamarkaana ay oggolaadeen golaha wasiirrada Sucuudiga,hayeeshee Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay in lagu darayo 35,000 oo kursi taas oo ka dhigeysa 135,000 oo Qof Garoon markiiba qaadaya.

 

Boqor Salmaan ayaa Ciraaq Sharad kula galay in uu Garoonkaas u dhisayo haddii ay ciyaartii dhacday February 28. ka badiyaan Sucuudiga,taas oo Sucuudiga lagu tuntay,waxaana isaga oo oofinaya ballantii uu galay sheegay hadda in Garoonkaas loo dhisayo Ciraaq.

Garoonkaas haddii loo dhiso Ciraaq waxaa uu noqonayaa Garoonka ugu weyn ee Kubadda Cagta lagu ciyaaro,waxaana u ku laba jibbaarmayaa Garoonka hadda ugu weyn Kubadda Cagta Caalamka.

Sababta aadan u daawan Karin ayaa ah in Dalka Ciraaq uusan hadda ahayn mid xasilloon,iyada oo ay dagaallo ka socdaan.`