Home Wararka Maanta EPL: Man United oo ku soo laabatay kaalinta labaad, xilli Lukaku iyo...

EPL: Man United oo ku soo laabatay kaalinta labaad, xilli Lukaku iyo Sanchez ay shabaqa tageen & Natiijooyinka kulamadii kale

81
0
SHARE

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa 2-0 kaga badisay naadiga Swansea City oo marti ahayd ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League kulan goordhow ku soo dhammaaday garoonka Old Trafford.

Man United oo marti loo ahaa ayaa qeybta hore inta badan ka gacan sarreysay Swansea City, waxaana ay ka dhaliyeen labo gool oo uu ku lug lahaa Sanchez.

Goolka daah furka ciyaarta waxaa u dhaliyey Man United Weeraryahankeeda Romelu Lukaku 5’daqiiqo bilowgii ciyaarta, kaddib caawin uu ka helay Alexis Sanchez, kooxda Jose Mourinho ayaana ciyaarta ku hoggaamisay 1-0, iyadoo Lukaku uu sidaas ku dhaliyey goolkiisii 100-aad ee horyaalka Premier League.

Markale Man United ayaa la timid goolka labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey 20’daqiiqo u dhaliyey Alexis Sanchez, kaddib markii uu ka faa’iideystay baas uu soo dusiyey Jesse Lingard, kooxda martida loo ahaa ayaana kulanka ku hoggaamisay 2-0.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii ka dhacay garoonka Old Trafford ayaa lagu kala nastay Man United oo 2-0 kaga gacan sarreysa Kooxda Swansea City oo marti u ahayd.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Swansea ayaa fir fircooni la timid waxaana labo fursadood oo dahab ah ka beeniyey goolhayaha Man United ee De Gea kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaatay Man Utd.

Kooxda Man United ayaa sidaas ugu soo laabatay kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay si ku meel gaar ah u sii degtay Liverpool oo guul ka heshay Palace oo ay booqatay.

Haddaba halkaan hoose ka eeg natiijooyinka kulamadii kale ee maanta la ciyaaray horyaalka Premier League:-

Crystal Palace 1 – 2 Liverpool

Brighton & Hove Albion 0 – 2 Leicester City

Newcastle United 1 – 0 Huddersfield Town

Watford 2 – 2 AFC Bournemouth

West Bromwich Albion 1 – 2 Burnley

West Ham United 3 – 0 Southampton