Home Wararka Maanta EPL: Arsenal oo guul weyn ka gaartay kooxda Watford kulan ay saddex...

EPL: Arsenal oo guul weyn ka gaartay kooxda Watford kulan ay saddex xiddig oo kala duwan goolal u dhaliyeen Gunners… + SAWIRRO

430
0
SHARE

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 3-0 uga badisay naadiga Watford oo marti ugu ahayd garoonka Emirates kulan ka tirsan horyaalka English Premier League.

Bilowgii ciyaarta daqiiqaddii 8’aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka ku qabatay ciyaarta kaddib markii laad xor ah oo uu garab ka soo qaaday Mesut Ozil uu madax ku dhaliyey difaaca Gunners ee Shkodran Mustafi.

Inkastoo fursado cajiib ah uu Wiilasha Watford ka beeniyey goolhayaha Gunners ee Petr Cech, sidoo kalena Ozil ayaa laga badbaadiyey kubbad uu ula tagay goolhayaha Watford oo ay Arsenal ciyaarta uga dhigi kartay 2-0 ayaa haddana kulanka lagu kala nastay 1-0 ay 45-daqiiqo ee hore ku hoggaaminaysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay 59’daqiiqo Arsenal ayaa la timid goolka labaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyey Pierre-Emerick Aubameyang, kaddib markii baas uu ka helay saaxiibkiis Henrikh Mkhitaryan inta goolhayaha Watford ka tagay ka dhaliyey, Gunners ayaana ciyaarta ku hoggaamisay 2-0.

Kooxda martida ahayd ee Watford ayaa iska lumisay fursad ay hal gool isaga soo gudi kartay daqiqaddii 62’aad, kaddib marki uu rigoore ka khasaariyey Troy Deeney.

73’daqiiqo dhaliyaha goolkii koowaad ee Arsenal Shkodran Mustafi ayaa dhaawac uga baxay garoonka waxaana lagu bedelay oo soo galay  Calum Chambers.

Arsenal ayaa iska sii wadatay bandhiggeeda wacan waxaana ay la timid goolka saddexaad ee ciyaarta, iyadoo uu u dhaliyey 77’daqiiqo Henrikh Mkhitaryan, kaddib baas caawin ah oo uu markiisa ka helay Pierre-Emerick Aubameyang, Arsenal ayaana ku adkaatay 3-0.

Gunners ayaa hadda fadhisa kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 48-dhibcood 30 kulan oo ay ciyaartay.

SAWIRRO: