Home Wararka Maanta DHACDO YAAB LEH: Carlos Teves oo Xabsi Dhaxdiisa ku dhaawacmay!!!!!

DHACDO YAAB LEH: Carlos Teves oo Xabsi Dhaxdiisa ku dhaawacmay!!!!!

1107
0
SHARE

Dhaliyihii hore ee labada Manchester iyo Juventus Carlos Tevez ayaa ku dhaawacmay Xabsi kaddib markii uu kubbad la ciyaaray Maxaabiis.

Weeraryahanka reer Argentina oo dhawaan uun ku laabtay dalkiisa isagoona ku biiray naadigiisii hore ee  Boca Juniors ayaa laga cabsi qabaa inuu waqti ku maqnaado dhaawaca  ka soo gaaray Kubka.

Maamulka kooxda Boca Juniors ayaa ku jahwareersan  qaabka uu ku dhaawacmay Teves kaddib markii uu ka soo laabtay labo maalmood oo fasax ah.

Clarin Sports ayaase iminka tooshka ku ifisay sida ay wax u dheceen iyadoona warisay inuu gaaray dilaac muruqa kubka ah.

Dhacdadan ayaa dhacday Talaadadii la soo dhaafay markii uu Tevez booqday walaalkii Juan Alberto Martinez oo ay isku hooyada yihiin kaa oo ku xiran Xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaala Cordoba.

 Carlos Tevez's half-brother Juan Alberto Martinez, pictured on the right while in police custody, was sentenced to 16 years behind bars for a botched armed robbery attempt

Inkastoo aysan jirin sawirro caddeyn u noqon kara sheekadan, misane waxaa la sheegayaa in laacibkii hore ee Man United iyo West Ham  uu kubbada cagta la baastay walaalkii iyo maxaabiista kale ee goobta ku xirneyd.

Clarin Sports ayaa warinaya in maamulka Boca Juniors uu aad u carooday markii uu ogaaday sida uu u dhaawacmay Tevez.

Wiilka la walaalka ah Tevez ee Juan Alberto Martinez ayaa qaadanaya waqti Xabsi ah kaddib markii uu Qori ku gyestay dhac.