Home Wararka Maanta Dhaawaca Harry Kane kama celin Spurs inay kaalinta 3-aad Liverpool kala wareegaan

Dhaawaca Harry Kane kama celin Spurs inay kaalinta 3-aad Liverpool kala wareegaan

300
0
SHARE

Kooxda Tottenham ayadoo safar ah waxay 4-1 ku garaaceen naadiga Bournemouth kulan ka tirsanaa EPL waxaana labo jeer shabaqa soo taabtay Heung-Min Son.

Spurs waxaa dhaawac halis ah kasoo gaaray hogaamiyaheeda Harry Kane dhanka jilibka ah asigoo garoonka isaga baxay daqiiqadii 34-aad waxaana lagu badalay Lamela.

Junior Stanislas ayaa Spurs goo kaga naxsaday daqiiqadii 7-aad balse Ali ayaa cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 35-aad.

Qaybta labaad cayaarta Heung-Min Son ayaa labo gool is raacsaday daqiiqadaha 62-aad iyo  87-aad sidoo kalena Serge Aurier ayaa Spurs goolka 4-aad u dhaliyay daqiiqadii 90-aad.

Tottenham guusha ay gaartay waxay kaga dhigan tahay inay booska sedexaad kala baxeen Liverpool oo haatan kaalinta 4-aad u dhacday.

Spurs waxay leeyihiin 61-dhibcood halka Liverpool leedahay 60-dhibcood sidoo kalena Chelsea oo booska 5-aad fadhiso 56-dhibcood ayay leedahay waxayna u jiraan 4-dhibcood booska 4-aad.