Home Wararka Maanta Cayaaryahankii hore Inter Milan Adriano oo isbitaal la dhigay iyo sida xaaladiisa...

Cayaaryahankii hore Inter Milan Adriano oo isbitaal la dhigay iyo sida xaaladiisa tahay

974
0
SHARE

Cayaaryahankii hore Inter Milan Adriano ayaa la xaqiijiyay in la dhigay isbitaal ku yaalo gudaha Brazil si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Globoesporte ayaa sheegtay Adriano oo horey sidoo kale ugu soo cayaaray Fiorentina, Roma iyo Parma in la geeyay isbitaal gaar loo leeyahay lamana ogo dhibaatada soo wajahday.

Laakiin UOL Esporte ayaa sheegtay in Adriano uu gacanta middi isaga jaray kadibna nabarka ama dhaawicii infection qaaday taasina ay sababtay xanuun daran soo wajahay in isbitaal la geeyo.

Todobaadkii hore ayu Adriano Talyaaniga yimid waxaana la socotay hooyadiis ayadoo la siiyay funaanad Inter Milan ah taageerayaal badana sharfeen soona dhaweeyeen sidoo kalena xerada tababarka Inter ayuu tagay sawirna wuxuu la galay Mauro Icardi.

Adriano Inter waqti wacan ayuu la qaatay balse gadaal ayuu waayihiisa cayaareed ka xumaaday kadib markii uu qamriga saaxiib la noqday si uu geeridii aabihiis xiligaas isku hilmaan siiyo laakiin mustaqbalkiisa cayaareed ayuu bur buriyay xiligaas.

Adriano nasiibkiisa sidoo kale wuxuu ku tijaabiyay kooxaha Fiorentina, Parma, Flamengo, Roma, Corinthians, Atletico Paranaense iyo dhawaan uu naadiga Miami United u cayaaray balse wuu isaga tagay kulamo yar kadib.

Haatan miisaan badan ayaa jirkiisa koray kaasi oo u diiday inuu garoomada kusoo laabto ama tababar joogto ah uu sameeyo.