Home Wararka Maanta Arsenal Iyo Liverpool Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa 26 Jir Ka Ciyaara Horyaalka...

Arsenal Iyo Liverpool Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa 26 Jir Ka Ciyaara Horyaalka Budusliga

653
0
SHARE

Arsenal iyo Liverpool ayaa ku dagaalami doona isbuucyada soo socda saxiixa goolhayaha kooxda Bayer Leverkusen ninka lagu magcaabo Bernd Leno.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa lala xiriirinayaa labada koox ee Premier League ka dhisan ee Arsenal iyo Liverpool.

Goolhayaha Bayer Leverkusen Bernd Leno ayaa sidookale waxaa indhaha ku haya kooxaha Napoli iyo Real Madrid.

Wargeyska BILD ee kasoo baxa dalka jarmalka ayaa sheegaya in heshiiska Leno lagu burburin karo lacag dhan € 25m.

26 jirkaan ayaa qandaraaskiisa Bayer Leverkusen waxa uu dhacayaa sannadka 2020ka, waxaana wakiiladiisa ay dhageysan doonaan dalabyada kaga imaanaya kooxaha Premier League.

Waxaa la go’aamin doonaa mustaqbalka goolhaye heerka caalami ee dalka Jarmalka Leno ka hor bisha May.