Home Wararka Maanta Aqbaar wanaagsan oo Barcelona kasoo baxay kuna saabsan xaalada Lionel Messi

Aqbaar wanaagsan oo Barcelona kasoo baxay kuna saabsan xaalada Lionel Messi

996
0
SHARE

Cayaaryahan Lionel Messi oo dhaawac ku seegay labadii kulan saaxiibtinimo xulka Argentina la cayaareen Italy iyo Spain ayaa hadda diyaar u ah inuu Barca u cayaaro.

Lionel Messi ayaa la sheegay inuu kulanka Sevilla isku diyaariyay diyaarna u yahay sabtiga inuu kooxdiisa ka caawiyo sidii kulankan adag guul u gaari lahaayeen.

Messi ayaa Khamiistii tababar dhameestiran sameeyay sidoo kalena sheegay in xanuun dhanka muruqa uusan heynin taamna u yahay kulanka Sevilla.

Messi sidoo kale tijaabo caafimaad dheeraad ah ayaa lagu sameeyay laguna xaqiijiyay in muraqiisa fiican yahay haddii uu doonana kulanka Sevilla cayaari karo.

Macalin Ernesto Valverde iyo Messi ayaa kulan wada qaadan doonaan taasi oo go’aan looga garai doono in kulanka Sevilla lagu soo bilaabo, badal lagu soo galiyo ama in loo nasiyo cayaarta Champion-ka ay arbacada wajahayaan naadiga AS Roma wareega 8-aad.