Home Wararka Maanta Anthony Martial Oo Seegi Kara Koobka Adduunka Iyo Tababare Mourinho Sababta Leh

Anthony Martial Oo Seegi Kara Koobka Adduunka Iyo Tababare Mourinho Sababta Leh

810
0
SHARE

Madaxweynaha kooxda St Etienne Jean-Michel Larque ayaa weeraray xiddiga Manchester United garabka kaga ciyaara ee Anthony Martial.

Larric ayaa sheegay in Martiali uusan u qalmin inuu boos ka helo xulka Faransiiska ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu xumaa kulankii saaxiibtinimo ee Russia.

Wuxuu u sheegay RMC: “Anthony Martial wuxuu ahaa mid helay fursad uu garoonka ugu jiro, laakiin waxna kama keenin.

“Uma qalmo inuu ciyaaro Koobka Adduunka, waxaa jira ciyaaryahano badan oo uu xulan karo tababare Didier Deschamps.

“Tusaale ahaan Dimitri Payet oo u ciyaara Marseille waa mid ka wanaagsan waqtigaan Martial’ ayuu ku dooday Madaxweynaha kooxda St Etienne Jean-Michel Larque.

Anthony Martial ayaa inta badan kursiga keydka ka ah xili ciyaareedkanan kooxda Manchester United, waxaana sidookale la hubin mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan Premier League.

Xulka France ee isku diyaarinaya koobka adduunka ayaa kujira tijaabooyinkii ugu dambeeyay, waxaana ugu dambeyn laga sugayaa Didier Deschamps inuu ku dhawaaqo xiddigihiisa u safraya Russia 14 May.