Home Wararka Maanta Alex Sandro waa xidig Yurub loogu doonista badan yahay markaana naadi caan...

Alex Sandro waa xidig Yurub loogu doonista badan yahay markaana naadi caan ah ayaa dalab usoo gudbisay

85
0
SHARE

Alex Sandro waxaa lagu tilmaamaa daafaca garabka bidix Serie A-da ugu wanaagsan sidoo kalena 5-horyaal safka hore kaga jiro kuwa bandhiga joogtada ah sameeyaan.

Kooxda Juventus xagaagii hore waxay ku dagaalantay in Alex Sandro uusan gacanteeda ka baxin.

Balse xagaagan Juve waxay qiratay inaysan Alex Sandro sii ceshan karin madaama kooxo badan oo dhaqaalo xoogan heestaan daafacan baadi goob xoogan ugu jiraan.

Naadiga PSG ayaa noqotay kooxdii ugu dambeesay ee Alex Sandro lasoo xariirtay sidoo kalena u balan qaaday daafacan mushaar waali ah inay siin doonto.

Alex Sandro oo 27-jir ah Juve xagaagii 2015 waxay kasoo qaateen naadiga FC Porto haatana waa daafac dhameestiran.

Sky Sport Italy ayaa qortay in PSG diyaarisay 70-milyan oo euro ah inay Sandro kusoo qaadato waana qiimo lacageed oo aysan Juve diidi doonin inkastoo daafacan kooxo badan saxiixiisa baadi goob ugu jiraan.