Home Wararka Maanta Ac Milan oo guul soo daahday ka gaartay Genoa xilli Andre Silva...

Ac Milan oo guul soo daahday ka gaartay Genoa xilli Andre Silva uu waqtigii dhimashada gool dhaliyay.

459
0
SHARE

Ac Milan ayaa gaartay guul ay u hamuun qabeen, waxeyna timid waqti aan caadi aheyn iyadoo Andre Silva uu dhaliyay gool soo daahay oo qalbiyo badan jabiyay kuwana dhisay.

Milan iyo Genoa waxey ciyaareen kulan la isku xiiqay oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah, balse midkood kuma guuleysan iney gool hesho 90-ka daqiiqo ee ciyaarta, inkastoo daqiiqadahii dheeriga ahaa ay koox farxad u noqotay.

Ac Milan daqiiqadahii ugu dambeeyay dadala badan ayey sameysay fursad cajiib ah Suso ayaa caawiyay, waxaana gool u badalay Andre Silva.

Milan waxey natiijadaan ka saaciday iney kaalinta 6-aad soo fariisato iyadoo 6-dhibcood u jirta afarta ugu sareysa horyaalka Talayaaniga.