Home Wararka Maanta Ciyaaryahanka Harry Kane Tottenham v Bournemouth Garoonka Kaga Baxay Murugo Kadib Markii…

Ciyaaryahanka Harry Kane Tottenham v Bournemouth Garoonka Kaga Baxay Murugo Kadib Markii…

384
0
SHARE

Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa dhaawac looga saaray kulanka horyaalka Premier League oo ay kooxdiisu martida u tahay haatan naadiga Bournemouth.

Xiddiga xulka qaranka England ayaa dhaawac canowga midig ka soo gaaray garoonka looga saaray daqiiqaddii 34-aad ee qeybta hore, kaddib markii uu dhaliyey gool garab dhaaf ah (offside) oo la diiday, laakiin waxa ay isku dhaceen goolhaye Asmir Begovic, sidaas ayuu dhaawacu ku gaaray.

Laacibka ka midka ah xiddigaha hoggaaminaya gooldhalinta Premier League ayaa shaki laga gelinayaa kulamada ku soo aaddan kooxdiisa iyo dalkiisa.

Spurs ayaa hal kulan oo kale ciyaari doonta waxaana ay la dheeli doontaa Swansea City siddeed dhammaadka ama quarter-final-ka FA Cup Isbuuca soo socda, ka hor inta aan la aadin labo todobaad fasaxa caalamiga ah.

Xulka England ayaa dhiggiisa Netherlands kula ciyaari doona Amsterdam 23 bishaan Maarso, halka xulka Italy ay ku soo dhawayn doonaan garoonka Wembley afar maalin kaddib.

Kane dhaawaca soo gaaray haatan la yimid dhaawacii labo goor ka soo gaaray canqowga xilli ciyaareedkii 2016-17, kaasoo midkii koowaad uu la maqnaa todoba kulan, halka midkii labaad uu bilo kale seejiyey xilli ciyaareedka.

Kulanka haatan u dhexeeya kooxaha Bournemouth iyo Tottenham Hotspur ee Premier League oo uu Kane ku dhaawacmay ayaa soconaya qeybtii labaad waana 2-1 oo ay ku hoggaaminayso kooxda Spurs.