Home Real Madrid Xidig Laga Jaceyl Yahay Kooxda Real Madrid Oo Qandaraaska Kordhiyay..

Xidig Laga Jaceyl Yahay Kooxda Real Madrid Oo Qandaraaska Kordhiyay..

409
0
SHARE

Marcelo ayaa heshiiska u kordhiyay kooxda Real Madrid, wuxuuna heshiiskiisii hore ahaa mid dhacaya 2020 isagoo gaarsiiyay tan iyo 2022-ka.

Los Blancos ayaa ku dhawaaqday saxiixa laacibkan uu heshiiska ku badiyay waxaase lasoo bandhigayaa berri oo Khamiis ah.

Laacibka difaaca bidix ayaa ahaa 18-jir markii uu kusoo biiray garoonka Estadio Santiago Bernabeu sanadkii 2007 wuxuuna noqday kabtan ku xigeenka kooxda keddib 415 oo kulan oo uu safka naadigan kasoo muuqday.

Wuxuuna kordhiyay, Marcelo heshiiska uu kula sii shaqeyn doono kooxda, kaasoo jebin doona sida muuqata rikoorkii safasho ee Roberto Carlos oo ahaa ninka Shisheeyaha ah ee gaaray 527 isagoo u safan kooxda Real Madrid.