Home Champions League Xiddigaha U Tartamaya Xiddiga Ugu Fiican Todobaadkan Champions League Iyo 8 Xiddig...

Xiddigaha U Tartamaya Xiddiga Ugu Fiican Todobaadkan Champions League Iyo 8 Xiddig Oo U Sharaxan

659
0
SHARE

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray 8 xiddig oo u sharaxan xiddigii ugu fiicnaa todobaadkii ugu horeeyay ee tartamada champions league xilli ciyaareedkan.

Champions league ayaa dib u bilaabmay salaasadii iyada oo ay dheceen kulamo xiiso badan oo ay kooxaha waaweyn ee reer yurub oo dhan ay gaareen guulo muhiim ah.

Xiddigaha loo doortay in ay u tartamaan xiddigii ugu fiicnaa todobaadkan ayay ka mid yihiin Cristano Ronaldo.Lionel Messi,Neymar,Romelu Lukaku,Harry Kane,Taison, Mohamed salah iyo James Rodríguez oo markii ugu horaysay lagu soo daray xiddigaha u tartamaya xiddiga ugu fiican todobaadka ugu horeeya ee champions league.

Lionel Messi ayaa laba gool u dhaliyay kooxdiisa Barcelona kulankii ay guusha ka gaartay kooxda Juventus,Halka Ronaldo isana laba gool u dhaliyay kooxdiisa Harry Kane ayaa isna laba gool u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay guusha ka gaartay kooxda Borussia Dortmund.

Xiddigaha Taison,Salah,Lukaku,Neymar ayaa dhamaantood mi hal gool u dhaliyay kooxohooda ay u ciyaarayeen laakiin xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez ayaa lagu soo daray inkasta oo uuna wax gool ah ama caawin ah samayn kulamadii todobaadkan.