Home Wararka Maanta Xiddiga Dembele Oo U Duulay Finland Isaga Oo Lagu Riixayo Gaariga Curyaanka

Xiddiga Dembele Oo U Duulay Finland Isaga Oo Lagu Riixayo Gaariga Curyaanka

535
0
SHARE

Waxa ay ahayd 25 daqiiqo kadib markii uu Ousmane Dembele kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku bilowday horyaalka dalka spain ee La Liga laakiin laacibka ayaa soo gaaray dhaawac halis ah oo muruqa ah.

Cayaaryahanka dalka Faransiiska ayaa lagu sawiray isaga oo ku fidhiya kursiga curyaanka una safraya wadanka Finland halkaas oo ay ka dhici doonto qaliinka lagu samayn doono weeraryahanka
Waxana qaliinka ku samayn doona dhakhtarka caanka ah ee Dr. Sakari Orava maalinta salaasada kadib markii ay kooxdu xaqiijisay maalintii Axadii

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu 20 jirkan ka dhaawacmay muruqa taas oo qaliin u baahan doonta isaga oo sidoo kale garoomada ka maqnaan doona muddo 4 bilood ama 6 bilood ah.

Xiddiga Ousmane Dembele finland u raacay dhakhtarka u khaaska ah Naadiga ee Dr. Ricard Pruna kadib markii Axadii la ogaaday in dhaawac xiddigii hore ee kooxda dalka jarmalka ah ee Borussia Dortmund ka xun yahay sidii hore.

Waxa markii hore la filayay in dhaawac muruqa ah ay xiddigan garoomada u diidi doonto muddo yar oo hal bil ama wax la mid ah.

Dembele ayaan mar dambe u ciyaari doonin kooxdiisa Barcelona ilaa ugu yaraan bilowga sanaka cusub ee 2018 taas oo la macno ah in uu xiddigan ugu yaraan 4 bilood maqnaan doono.