Home Suuqa Kala Iibsiga Van Nistelrooy ” Romelu Lukaku waa sida nin ku dhashay Old Trafford”

Van Nistelrooy ” Romelu Lukaku waa sida nin ku dhashay Old Trafford”

423
0
SHARE

Romelu Lukaku ayaa ah mid ku dhashay Old Trafford dabiicina ugu ciyaari kara, wuxuu dhalinayaa marka ay Manchester United u baahantahay sida uu qabo weeraryahankii hore ee Holland iyo Man Utd Ruud van Nistelrooy.

Reds halyeygeedii Van Nistelrooy ayaa weli taageera kooxda United isagoo aan ka bixin maskaxda kooxda, tan iyo markii uu keenay 2001 tababare Sir Alex Ferguson.

Wuxuu dhaliyay 150 gool 219 kulan oo uu u ciyaaray, isagoo loo aqoonsaday mid ka mid ah gooldhaliyeyaashii ugu fiicnaa ee kooxda soo mara.

Hadda, Van Nistelrooy wuxuu sheegayaa in ninkii booskiisa lagu beddeli lahaa uu yahay Lukaku oo sidoo kale leh han fiican oo gooldhalineed, ka gadaal isagoo ku cusub markii uu dhowr gool u dhaliyay United.

Wuxuu dhaliyay 6 gool 6-diisii kulan ee ugu horreysay keddib markii lagu soo iibsaday £75milyan oo looga soo dhaqaajiyay kooxda Everton xagaagan uun.

Ka hor ­Belgium xiddigga u dhashay Imaatinkiisa, 24-jirkan, ayaa wajahaya kooxdiisii hore ciyaar Axadda maanta ah ka dhici doonta Old ­Trafford, Van ­Nistetrooy ayaana ka yiri: “Lukaku wuxuu sameeyay ku billaabasho wanaagsan waa sida nin ku dhashay garoonka United.