Home Borussia Dortmund Tottenham Oo Ka Yaabsatay Borussia Dortmund,Xilli Spurs Ay 3-1 Ugu Shubtay Kooxda...

Tottenham Oo Ka Yaabsatay Borussia Dortmund,Xilli Spurs Ay 3-1 Ugu Shubtay Kooxda Reer Garmny, Harry Kane Ayaana Labo Gool Dhaliyay.

328
0
SHARE

Kooxda sida ku meelgaarka ah ugu ciyaaraysa Wembley ee Tottenham ayaa cashar waxay u dhigtay kooxda Dortmund, ka dib markii ay ku dhufatay 3-1.

Harry Kane ayaa kulankan aad aga muuqday isagoo dhaliyay labo gool.

goolka garoonka daqiiqadii 4aad waxaa daah furay Heung Min Son.

 

balse 7 daqiiqo ka dib waxaa kooxda Dortmund u barbareeyay Yarmolenko oo ah saxiixooda cusub.

4 daqiiqo ka dib Kane ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Spurs.

Qeybta hore 2-1 oo ay Tottenham ku hor kacayso ayaa lagu kala nastay, qeybta labaad marka ay socotay 60 daqiiqo Harry Kane ayaa goolka 3aad u dhaliyay kooxda Tottenham.

Guud ahaan ciyaarta ayaana ku dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Tottenham.