Home Europe League Toddobo ka mid ah Cayaartoyda Safka hore ee kooxda Arsenal oo seegi...

Toddobo ka mid ah Cayaartoyda Safka hore ee kooxda Arsenal oo seegi doona kulanka Europa League ee Caawa..

509
0
SHARE

Kooxda kubada cagta Arsenal ee dalka England oo Caawa dheeli doonta kulankeedii koowaad ee koobka UEFA Europa League ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin dhanka dhaawacyada ah kadib markii Tababarka Naadiga laga waayey 7 Cayaaryahan oo Safka hore ah.

Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaciyey in cayaarta ay ladheelayaan caawa Naadiga Cologne aysan dheeli doonin Cayaartoyda kala ah Petr Cech, Laurent Koscielny, Alexandre Lacazette, Danny Welbeck, Granit Xhaka, Mesut Ozil iyo Aaron Ramsey kuwaas oo aan dhamaantood soo Xaadirin Tababarka subixii Arbacada.

Arsene Wenger ayaa sheegay in Xiddigahaan Sababta uusan u dheelsiin doonin ay tahay iyada oo ay jiraan kuwo qaba dhaawacyo yar yar iyo kuwo uu u Nasiyey Cayaarta Horyaalka England ee ay lacayaari doonaan Chelsea isaga oo sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay xiligaan muhiimada koowaad siin doonaan Horyaalka oo ay doonayaan in ay qaadan 13 sano kadib.

Safka macquulka ah ee ay Caawa Garoonka ku soo geli karaan: Ospina; Holding, Mertesacker, Mustafi; Bellerin, Wilshere, Elneny, Kolasinac; Sanchez, Iwobi; Giroud.