Home Real Madrid Sergio Ramos Oo Ka Hadlay Guushii Xalay Ay Gaareen, Miyuu Sabab Oga...

Sergio Ramos Oo Ka Hadlay Guushii Xalay Ay Gaareen, Miyuu Sabab Oga Dhigay Soo Noqoshada Cristiano Ronaldo

537
0
SHARE

Kabtan Sergio Ramos kabtanka Kooxda Realmadrid  wuxuu qeyb ka ahaa gushii ay xalay ka gaareen Naadiga Apoela, ciyaar ka tirsan Tartanka Champions League, islamarkaana ahayd, mid ka tirsaneed Wareega Group-yada ee Tartankaan, iyagoona 3-0, ugu soo awood sheegtay kooxdaas.

Ciyaarta ayaa waxay kusoo dhamaatay 3-0, iyadoona bandhiga goolasha u furay Laacibka koowaad ee Los Blancos, Cristiano Ronlado, kaasoo dhaliyay xalayto gool aad uqurux badan, islamarkaana aad looga soo shaqeeyay.

Wiilka u dhashay dalka portugal ayaa goolka labaad dhaliyay, iyadoona goolkiisaan uu yimid qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana sedex la dhigay Kabtanka Boqorada Horyaalka La Liga, ee Ramos, iyadoona gabi ahaanba ay sidaas kusoo dhamataay ciyaartaan ee loo wada sugayay.

Waxaan ahayn, maalmihii ugu dambyeeyay kuwa gool dhalintu ay ku adkeed, balse waan ka baxnay abaartaas, Ronaldo ayaa dhaliyay, wuuuna dhalin doonaa mar waliba, aad ayaana ugu farax sanahay inaad guuleysano,” ayuu usheegay Ramos Saxaafada ciyaarta kadib.