Home Wararka Maanta Ronaldo Vs Messi Labadaan Xiddig Oo Dagaalkooda Bilaaban Doona Lkn Iska Hubi...

Ronaldo Vs Messi Labadaan Xiddig Oo Dagaalkooda Bilaaban Doona Lkn Iska Hubi Dagaalka Waa Sidee?

634
0
SHARE

Sida muuqata waxaa bilaawday markale dagaalkii Xidigaha Caalamka ugu fiican ee kala ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.kuwaas oo bilaabay Gool dhalintii ay Caanka ku ahaayeen gaar ahaan markii labilaabay koobka Horyaalada yurub Xiligaan.

Labada Cayaaryahan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.ayaa min 2 Gool dhaliyey kulankii koowaad ee koobka Champions League iyaga oo ah labada Cayaaryahan ee ugu Goolasha badan koobkaan waxaana ay kala dhaliyeen Ronaldo 107 Gool halka Messi uu leeyahay 96 Gool.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.ayaa ah Cayaartoyda ugu fiican Caalamka oo dhan waxaana Cayaaryahan Messi uu dheeley koobabka yurub 116 kulan halka Ronaldo uu dheeley 141 kulan.

Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Messi ayaa Naadigiisa u dhaliyey 514 Gool halka Ronaldo Guud ahaan intii uu kujirey Garoomada uu dhalyey 533 kulan Waxaana uu qaaday Ronaldo 26 koob oo 13 ka mid ah uu laqaaday Real Madrid halka Messi uu qaaday 32 Koob oo uu dhamaantood laqaaday Barcelona iyo dalkiisa.

Messi waxa uu hal Cayaar dhaliyey 2 Gool 108 jeer halka Ronaldo uu dhaliyey 96 Cayaarood Ronaldo ayaa Sadexleey dhaliyey 36 Kulan halka uu Messi dhaliyey 33 Sadexleey.