Home Suuqa Kala Iibsiga Real Oo “Ceebta” Iska Dhaqday, Guul Muhiim Ahna Ay Kasoo Gaartay Kooxda...

Real Oo “Ceebta” Iska Dhaqday, Guul Muhiim Ahna Ay Kasoo Gaartay Kooxda Sociedad

193
0
SHARE

Boqorada Horyaalka Spain, ee Real Madrid, ayaa gaartay guul aad loogu riyaaqay kadib markii ay ku booqatay garoonkeeda Naadiga Real Sociedad, oo kamid ah kooxaha meel dhaxaadka ah ee Horyaalka La Liga, islamarkaana awooda goonida ah soo bandhiga marka ay naadiyada waa weyn ay wajahayso.

Los Blancos, ayaa waxay ku bilaabatay si hooseeya, iyadoona umuuqatay mid muujineysay feejignaan dheeri ah, maadama kooxda kasoo horjeeda ay kamid ah kuwa ugu gool dhalinta badan afartii kulan ciyaareed ee ugu damebysay, laga dheelay Tartanka koowaad ee Spain.

 

Boqorada Yurub ayaa mar qura waxay qabatay hogaanka Kulankaan, kadib markii uu gool dhaliyay xiddigeeda weerarka ka dheela ee Borja Mayoral, waxaana 20-sano jirkaan uu kasoo dhalaalay booska uu kusoo bilaabay macalinka Real ee Zidane, isagoona ugu abaal guday gool.

Balse, wax yar kadib ayaa waxaa gool laga daba keenay Madrid, iyadoona uu ka dhaliyay Kevin Rodrigues, waxaana kulanka uu noqday mid xiiso iyo xamaasadiisu ay sara u kacdo, iyadoona ay isla markiiba ay gool iska dhalisay Sociedad, waxaana isaga tolay isla Kevin Rodrigues.

Qeybtii koowaad ee ciyaarta ayaa sidaas kusoo dhamaatay, waxaana markii dib leyskugu soo laabtay uu gool kale uu udhaliyay Madrid, Ciyaaryahankeeda Gareth Bale, kaasoo iska tirtiray ceebtii ka haysatay gooldhalin la’aanta, iyadoona uu kulanku kusoo dhamaday 3-1.

Guushaan ay gaartay Los Blancos ayaa waxay ka dhigan tahay inay soo yareysay farqiga dhibcooyinka ay kaga hayso Barcelona kala sarenynta Horyaalka, kaasoo ahaa Todoba dhibcood, waxaana ay haatan ay ka hooseeysaa Afar dhibcood, iyadoona aad ugu soo dhawaaneysa.