Home Suuqa Kala Iibsiga Real Madrid Oo Qorsheyneysa In Bisha Janaayo Ay Garoonka Bernabeu Keento Alexis...

Real Madrid Oo Qorsheyneysa In Bisha Janaayo Ay Garoonka Bernabeu Keento Alexis Sanchez.

219
0
SHARE

Real Madrid ayaa wajaheysa iska caabin xoogan oo dhex marta qolka labiska iyadoo ay xiiseynayaan Alexis Sanchez.

Weeraryahanka Arsenal ayaa lala xiriirinaya Real Madrid bisha Janaayo iyadoo tababare Zinedine Zidane uu raadin doono “No9 cusub” ka dib markii uu qiray in kooxdiisa aysan weerarka ka dhameestirnen.

Alexis ayaa ku jira qorshaha Real, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalamiga ah ee Chile loo soo bandhigay kooxda Merengues-ka.

Real Madrid ayaa iska caabin gali doonto haday Sanchez lasoo wareegto, Madrid ayaa laga yaaba inay wajahdo diidmo kaga timaada ciyaartoyda safka 1aad, halka kabtanka Sergio Ramos uu diidan yahay inuu kusoo dhaweeyo xiddigii hore ee Barcelona qolka labiska.

Ramos oo keliya ma ahan, dhowr ciyaaryahan oo waa weyn ayaa ka hadlay sida ay uga walaacsan yihiin.