Home Suuqa Kala Iibsiga Real Madrid Oo Dib Ugu Soo Laabatay Xiisaheeda Ku Aadana Eden Hazard...

Real Madrid Oo Dib Ugu Soo Laabatay Xiisaheeda Ku Aadana Eden Hazard & David de Gea?

523
0
SHARE

Real Madrid ayaa lagu soo waramaya inay qorsheyneyso inay lasoo saxiixato weeraryahanka Chelsea Eden Hazard xagaaga soo aadan, halka bartilmaameedka mustaqbalka ee David de Gea uu weli sidiisa yahay.

Los Blancos ayaa go’aansatay inay soo qaadato saxiixyo badan intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaaga,waxayna aad u raadinaysa Kylian Mbappe oo ku biiray  Paris Saint-Germain.

Sida laga soo xigtay wargeyska Spanish-ka ee Don Balon, madaxda kooxda Madrid ayaa durbadiiba ka shaqeynaya inay heshiisyo ay sameeyan xilli ciyaareedka soo socda , Hazard ayaana hogaaminaya liiska ciyaartoyda ay Madrid damacsan tahay inay Bernabeu keento.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo Bernabeu sannadkii hore, inkastoo xiisahaas uu u muuqday mid ceeryamo gashay ka dib markii uu waqtigaas uu ciyaaryahanka uu ka jabay canqowga.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in goolhaayaha Man United David De Gea uu ka mid yahay raga ay Real Madrid dooneyso,

 

Paulo Dybala iyo Pierre-Emerick ayaa qeyb ka ah raga ay jir jirinayso Los Blancos